Allbanaadir.com
NEWS

Magacyada dalalka Islaamka ee maanta u dabaaldegay Maalinta Koowaad ee Ciidda

Qaar ka mid ah dalalka islaamka ayaa maanta u dabaaldegay Maalinta koowaad ee ciidul fitriga, ka dib markii Soomeen 30ka Ramadaan, iyadoo tani ay ku soo aadeyso xili shalay oo Jimco aheyd laga ciiday dalal ka tirsan Carabta iyo Afrika

Muslimiinta Indonesia iyo Malaysia ayaa isugu soo baxay si ay u soo dhaweeyaan Ciidul Fitriga Sabtida, iyagoo ku nastay xayiraadaha COVID-19 ee saarneyd ee sadexdii sano ee la soo dhafay

Dalka Indonesia oo ah dalka Muslimiinta ugu badan ay ku nool yihiin, ayaa boqolaal dadweyne ah waxay isugu soo baxeen salaadda ciida, iyagoo ku tukaday dekedda taariikhiga ah ee Sunda Kelapa ee Waqooyiga Jakarta.

Malaysia oo ay dariska yihiin muslimiinta u badan, dadka cibaadaysanaya ayaa sidoo kale la ciiday qoysaskooda

Boqortooyadda Marooko iyo Saldanada Cumaan ayaa sidoo kale Maanta oo Sabti ah u dabaaldegaya Ciidul Fidriga maalintii koowaad.

Dadka Liibiyaanka ah ayaa u kala qaybsanaa kuwa Ciidday Jimcahii iyo kuwa ay maanta Sabtida u tahay maalinta kowaad ee ciidda, iyadoo Daar Al Iftaa ee Caasimadda Liibiya ee Tripoli oo xiriir la leh Dowladda Midnimada Qaran ee Liibiya ay ku dhawaaqday in maalinta koowaad ee Ciiddu ay tahay Sabti, halka Dar Al-na ay tahay maalinta koowaad ee Ciidda, Iftaa oo ku taal bariga Liibiya, oo xulafo la ah baarlamaanka fadhigoodu yahay bariga, ayaa ku dhawaaqay in ay bisha arkeen khamiistii, ayna ansixiyeen in Jimciha uu yahay Maalinta koowaad ee ciidda.

Sidoo kale xafiiska Cali Al-Sistaani oo ah maamulka ugu sareeya Shiicada Ciraaq ayaa ku dhawaaqay in maalinta Jimcaha ay tahay maalinta ugu dambeysa bisha Ramadaan, maanta oo Sabti ahna ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga ee Shiicada Ciraaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan caawa dhexmaray RW Khayre iyo Madaxda D/Goboleedyada qaarkood

Caydiid Ali

Dheymankii ugu weynaa Abid oo lagu xaraashay lacag ka badan 26 Milyan oo Dollar

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo guddoomiyay Shir arrimo kala duwan looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---