Dagaalka Sudan ayaa maanta ah galay toddobaadkii labaad iyadoo dagaalka u dhexeeya ciidamada janaraallada dalkaasi xukumayay ay ku dhinteen boqolaal ayna kumannaan kale ku dhaawacmeen.
Xalay ayaa waxaa joogsaday qaraxyada xooggan ee maalmihii la soo dhaafay magaalada ka socday, laakin dagaalka ayaa dib u qarxay maanta.
Dad badan oo rayid ah ayaa guryaha uga baxa oo kali si ay u helaan raashinka daruuriga ah amaba ay magaalada uga qaxaan.
Dagaal la isku adeegsanayo hubka culus, qaraxya waaweyn iyo diyaaradaha dagaalka ayaa Sabtida maanta ah ka qarxay qeybo badan oo ka mid ah caasimadda, sida ay goobjoogeyaashu sheegeen.
Dagaalka ayaa 15-kii bishan ka dhex qarxay ciidamada daacadda u ah madaxa ciidamada CabdelFattaax al-Burhaan iyo ku-xigeenkiisii oo ay hadda awoodda isku hayaan Maxamed Hamdan Daglo oo ah taliyaha ciidamada awoodda badan ee sida militariga u tababaran ee RSF.
Labada dhinac ayaa horey xulufo ugu ahaa afgenbigii ay awoodda kula wareegeen 2021-kii, laakin waxa ay isku khilaafeen awoodda.
Ciidamada ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in ay “oggolaadeen xabbad joojin saddex maalmood ah” oo loogu talagalay maalmaha ciidda, taasi oo ay ku baaqeen Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.
Laba mar oo hore oo lagu dhawaaqay xabbad-joojin 24 saac ayaan dhaqan gelin.
Magaalada Khartoum oo ay ku nool yihiin ilaa shan milyan oo qof ayaa dagaalku si adag u saameeyay nolosha dadka rayidka ah oo aan ka bixin guryahooda oo hadda aan laheyn wax koronto iyadoo ay cadceedduna xilligan aad u kulushahay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com