Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ka hadlay weerar qaraxyo ku bilowday oo saaka Al-shabaab ku soo qaadday degmada Masagawaa ee gobolka Galguduud.
Gen. Taredisho oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka uu saakay ka dhacay duleedka degmada Masagawaa, isla markaana jab xooggan lagu gaarsiiyay cadowga sida uu yiri.
“Khasaaraha hadda intaan xaqiijinay waa 18 dhimasho ah, niman mooryaan diimeed ah iyo dadka deegaanka ayaa dagaallamay, waana la iska dhiciyay, dadka deegaanka ayaanna guuleystay” ayuu yiri taliyaha.
Sidoo kale, Generaal Tareedisho, ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen saddex oday dhaqameed oo ka tirsanaa dadka deegaanka oo qoryaha u qaatay sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen Khawaarijta kuwaasoo qaarkood ay macallimiin Dugsi ahaayeen.
Al-shabaab ayaa war soo saareen ku sheegtay in dagaalyahandooda ay cagta mariyeen xerada ciidamada xoogga dalka ee degaanka Mesegawaa, ayna khasaare kala duwan u geysteen ciidankii halkaas ku sugnaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com