Al Shabaab ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo culus ku qaaday deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro badan oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay iyo dad shacab ah.
Sida aan wararka ku helnay weerarka Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagaaway waxaa lagu dilay dad badan ay ku jiraan Odayaal dhaqmeed caan ah iyo dhallinyaro magaaladaasi u tagay damaashaadka ciida iyo arrimo kale.
Odayaasha lagu dilay deegaanka Masagawaay waxaa kamid ah Nabadoon Cismaan Macalin Axmed ,Nabadoon Ibraahin Maxamed Cismaan iyo Nabadoon Cabdulle Geeljir, waxaana nabadoonada iyo dad kale ee la socday lagu dilay hal goob ay joogeen.
Sida aan wararka ku helnay Odayaasha dhaqanka ee saakay la dilay ayaa deegaanka Masagawaay u tagay sidii halkaasi uga abaabuli lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo sidoo kale in magaaladaasi oo la xureeyay ugu soo ciideesan lahaayeen.
Weerarka Masagaaway ayaa sidoo kale la sheegay in lagu dilay laguna dhaawacay dhallinyaro iyo dad kale oo magaaladaasi u tagay in faraxada ciida kula soo qaatay qaar kamid ah eheladooda oo halkaasi ku sugan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com