Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Putin iyo Maxamed Bin Salman oo kawada hadlay Arrin Muhiim u ah Adduunka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Amiirka Boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo badan oo muhiim u ah labada dal iyo caalamka.

Dowladda Ruushka ayaa sheegay in Putin iyo Maxamed Bin Salmaan si gaar ah uga wada hadleen heshiiska OPEC+ ee lagu xaddidayo soo saarista shidaalka iyo in xasillooni lagu soo dabbaalo suuqa shidaalka adduunka.

Labada masuul ayaa sidoo kale inta wadahadalka u socday isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dal iyo in uu sii jiro iskaashiga ka dhaxeeya labada dal gaar ahaan dhinaca wax soo saarka shidaalka .

“Wadahadalku wuxuu u socday hab saaxiibtinimo leh, wuxuu ahaa mid wax dhisaya oo warbixin lagu kala qaatay. Waxaa la isku raacay in la dhiso xiriirro meelo gaar ah oo iskaashi ah,” ayaa lagu yiri warka Ruushka kasoo baxay.

Ururka Waddamada Dhoofinta Shidaalka (OPEC) ayaa dhawwaan ku dhawaaqay hoos u dhac dheeri ah oo soo saarista bartoolka ah, taas oo ku dhow 1.16 milyan oo fuusto maalinkii, taasoo aheyd tallaabo lama filaan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo caawa ciyaaraysa kulankii ugu horeeyey isreeb-reebka Koobka aduunka

Caydiid Ali

Xildhibaan Muqdisho lagu karantiilay markii looga shakiyey cudurka COVID-19

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin 75 jir ah oo isla guursaday gabar & hooyadeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---