Allbanaadir.com
NEWS

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi oo hambalyo ku aadan Ciida u diray ummadda Soomaaliyeed

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, oo kamid ah Salaadiinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa hambalyo ku aadan munaasabada ciidul Fidriga waxa uu u diray Islaamka gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay dunnida ka joogaan.

Ugaaska ayaa Allah uga baryay dadkii soomay bishii barakeesneed ee Ramadaan inuu ka aqbalo camalkii samaa iyo cibaadadii suubaneed ee soo guteen bisha Barakeysan ee Ramadaan.

“ Ciid wanaagsan ayaa leeyahay Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo Caalamka ay ka joogaan, Alle waxaan ka baryeynaa ciidan ciida xigta inuu nagu gaarsiiyo caafimaad iyo nabad buuxda nagana qaado colaada iyo abaarta jirta” ayuu yiri Ugaas Cabdulaahi.

Ugaaska ayaana ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan in ay noqdaan kuwa isku duuban oo ka shaqeeya xasiloonida dalkooda , sidoo kale ka shaqeeya horumarka iyo nabad-gelyada dalkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday Isbitaal ku yaalla Mareykanka

Caydiid Ali

Tirada dadka sanadkii hore lagu laayey qaraxyada Somalia oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Askar Mareykan ah oo Dil iyo dhaawac loogu geestay Duleedka Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---