Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maxaa ka soo baxay kulankii Raisul Wasaare Abiy & Soomaalida Itoobiya? (Daawo Sawirro)

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta hadal u jeediyey boqolaal ka mid ah Soomaalida Itoobiya oo isugu jiray mas’uuliyiin, odayaal iyo shacab.

Waxaa uu hadalkiisa diirada ku saaray xaalada degaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka ka jira.

Waxaa hoolka shirka ka dhacay buux dhaafiyey Soomaali boqolaal ah oo ka kala yimid magaalooyinka degaanka Soomaalida Itoobiya.

Abiy Ahmed ayaa kulanka ku amaanay Soomaalida iney yihiin dad nabada iyo horumarka Jecel isagoo ka codsaday saddex qodob oo kala ah: Dulqaad, Wadahadal, iyo ilaalinta Sharciga.

Odayaasha iyo xubnihii metelayey Dadweynaha Soomaalida Itoobiya ayaa iyaguna dhinacooda dowladda Federaalka ka dalbaday inay helaan Cadaalad ka dhaqan gasha maamulka Soomaalida oo tacadiyo waaweyn ay ka dhaceen, waxayna ku baaqeen in dadkii dembiilayaasha ahaa la horkeeno cadaalada.

Abiy Ahmed waxaa kulanka ku wehliyey madaxweymaha cusub ee maamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), guddoomiyaha Xisbiga dimoqraadiga Soomaalida Itoobiya Ahmed Shidde iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Somalia & Kenya oo heshiis cusub ku kala saxiixday Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali

Ukraine oo weerarkii ugu weynaa ku qaaday Moscow (Sawirro)

Caydiid Ali

Gaadiid hub iyo baabuur kala duwan u waday Xaaf oo lagu qabtay Cadaado iyo xiisad ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---