Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaaq Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo ku sugan Xarunta Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kadib baadigoob dheer Dhalashada Bisha Soonfur laga arkay magaalooyin kala duwan oo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa Ummadda Soomaaliyeed Xukuumad iyo Shacabba ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.
Magaalooyinka laga arkay waxaa kanid ah Jowhar ee Gobalka Shabeellada dhexe, Cadaado ee Gobalka Galgaduud, Ceel Waaq oo Jubbada hoose ah iyo deegaanno kale oo kamid ah Soomaaliya sida uu sheegay wasiirka
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com