Dalka Indonesia oo ah dalka ugu dadka badan muslimiinta caalamka ayaa shaacisay iney u dabaal dagi doonto Ciidul Fitriga 2023 Sabtida oo bisha Abriil ku beegan tahay 22 sida ay sheegtay Wasaaradda Diinta ee dalkaas.
Sidoo kale Qoraal ka soo baxay Golaha Imaamyada dalka Australia ayaa waxay si Rasmi ahaan ugu dhawaaqeen in Maalinta Koowaad ee Ciiddul-Fitriga la ciiddi doono Maalinta Sabtida oo ku beegan bishan April 22.
Dhanka kale, Dowladda Malaysia ayaa iyana waxay ku dhawaaqday inay Maalinta Sabtida tahay Maalinta Koowaad ee Ciiddul-Fidriga.
Sido kale, Xafiiska Cilmiga Xiddigaha dalka UK ayaa soo weriyay in Maalinta Koowaad ee Ciiddul-fitriga noqon doonto Maalinta Sabtida ee bishan April tahay 22.
Dalalka kale ee shaaciyey iney sabtiga ciidayaan waxaa ka mid ah Singabore iyo Pakistan, waxayna dhamaan dowladahan sheegeen in laga arki waayey bisha shawal sidaas awgeed ay buuxinayaan 30ka Ramadaan.
Horey Khubarada Cilmiga Xiddigiska ee dalalka Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa u sheegay in berrito oo Jimco ah la dhamaystiri doono bisha Barakaysan ee Ramadaan, iyadoo Maalinta Sabtida tahay Maalinta Koowaad ee Ciiddul-fitriga.
Dalalka carabta iyo woqoyiga iyo bariga Afrika ayaa la filayaa iney caawa War kama dambeys ah ka soo saaraan maalinta ay noqoneyso ciidul Fitriga.
Taariikhda saxda ah ee Ciidaha Islaamka, ayaa la go’aamiyaa ka dib markii mas’uuliyiinta ay khuseyso ay isku dayaan in la arko dayax dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com