Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo dardaaran adag siiyey ciidamo loo qaadayo jiidaha dagaalka (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo dardar-galinaya halganka dalka looga ciribtirayo Al-shabaab ayaa maanta booqday Xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 26-aad ee Ilaalo Qaran ee tababarka ku soo qaatay dalka Ereteriya.

Ciidamadan oo noqonaya dufcaddii labaad ee ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran ee ku biiraya howlgalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab ayaa maalmaha soo aaddan u ruqaansanaya degaanada laga xoreynayo kooxdaas si ay garab u siiyaan ciidamada DF ee dagaalka kula jira Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiiri galin iyo guubaabo ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan inay dhammeystiraan halganka  gabagabada maraya ee dalka looga xoreynayo wax uu ugu yeeray nabad-diidka, isaga oo faray in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u helaan kalsoonidda iyo hiillada shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaamisa ciidamada oo uu ka dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda ciidamada iyo qorshahooda ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo ku biiray kulamadii u socday Farmaajo, Wasiirka amniga & taliyaha KMG ee NISA

Caydiid Ali

Nin 14 sano ka hor laayey dad ku sugnaa Suuq weyn oo xukun dil ah lagu fuliyey

Caydiid Ali

Mursal oo caqabad ku noqday in cod lagaliyo mooshinka matalaada G/Banaadir ee aqalka sare

Cabdi Cade
Taboola Ads ---