Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarado dagaal oo lagu soo riday dagaal ka dhacay magaalada Omdurman

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada milatariga Sudan iyo kuwa RSF ayaa saakay ka dhacay magaalada Omdurman oo ku dhaw caasimadda Sudan ee Khartuum , xilli heshiis xabbad joojin saacado kooban ah shalay lagu dhawaaqay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaal culus oo hub nuucyo kala duwan loo adeegsaday ka dhaceen qeybo kamid ah magaalada Omdurman, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Kooxda RSF ee dagaalka kula jirta ciidamada milatariga ayaa war ay soo saareen ku sheegeen in dagaalka saakay dhacay kusoo rideen labo kamid ah diyaaradaha nuuca qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helocoptarada.

Waxa ay sheegeen kooxdan in saakay saldhigyo ay ku leeyihiin magaalada Omdurman lagu soo qaaday weerar aargoosi ah, waxa ayna tilmaameen in weerarkaasi iska difaaceen ayna guul darro gaarsiiyeen milatariga.

“Laakiin ciidamada ayaa ka jawaabey weerarka, waxaana ay gaarsiiyeen khasaare naf iyo maalba leh, oo ay ku jiraan soo ridista laba diyaaradood oo helikobter ah,” ayaa lagu yiri warbixin ay RSF .

Dagaalkii ka socday magaalada Khartuum ayaa lasoo sheegayaa in maanta qaboobay, waxa ayna labada dhinac shalay gaareen heshiis KMG ah oo xabbad joojin ah, waxaana laga cabsi qaba xilli kasta in uu dagaalka dib u qarxi karo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ammar culus oo la dul dhigay maleeshiyaadkii ku dagaallamayay Sh.Dhaxe (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo lacag kiro ah ka rabta dad degan guryo ay leedahay amarna siisay Booliiska

Cabdi Cade

Dagaal culus oo mar kale ka dhax qarxay ciidamada Dalalka Armenia iyo Azerbaijan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---