Allbanaadir.com
NEWS

Kim Jong Un oo Shaaciyay in ay sameesteen Dayax Gacmeed loo adeegsado basaasid

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku mashquulsan sameesashada hub casri ah iyo qalab ay u adeegsadaan howlaha basaasida, waxa ayna dowladan shuuciga ah horumarin badan ku wadaa howlaha la xariira sirdoonka iyo basaasida.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un ayaa shaaciyay in dalkiisa sameestay dayax-gacmeedkii ugu horreeyey oo ay ciidamada milateriga ee dalkaasi u isticmaali doonaan hawlaha basaasidda.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Kuuriyada Waqooyi oo soo xiganeysa Kim Jong Un ayaa sheegtay in dayax-gacmeedkaan loo adeegsanayo howlaha basaasida hawada loo diro taariikh aan la shaacin.

Khubaro ku xeel dheer arrimaha dayax-gacmeedka ayaa su’aalo geliyay in dayax-gacmeedada ay sameesatay Kuuriyada Waqooyi ay yeelan karaan kamarado aad u horumarsan, oo loo isticmaali karo hawlaha basaasnimada.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa horey ugu guuleesatay in ay tijaabiso dayax-gacmeedyo kala duwan iyo sidoo kale gantaalo casri ah ay sameesteen, waxa ayna dowladan wali ku mashquulsan tahay hurumarinta hubka casriga sida gantaalada ridada dheer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil Dhallinyaro ah oo Muqdisho lagu dilay iyo Faahfaahino kasoo baxaya cida dishay

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey shirkii xalay u furmay Madaxda shanta Dowlad goboleed

Caydiid Ali

Qalab kale oo isgaarsiineed oo lagu qarxiyay Xisbullah iyo Dhimasho ka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---