Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qorax Madoobaad cabaqad ku noqon kara aragtida Bisha Shawal ee habeen dambe

Waxaa adkaan doonta in Habeen dambe la arko bilashada Bisha Shawaal ama Ciidul Fidriga ka dib markii Kooxaha falaga ay sheegayaan inuu beri dhacayo Qorax madoobaad, sidaas darteed waxaa loo badinayaa in Jimcaha la buuxin doono Bisha Shacbaan, Sabtidana la Ciidi doono.

Machadka daraasaadka culuumta xiddigiska Masar ayaa sheegay, marka la eego xisaabta xidigiska, in curashada bisha Soonfur (Shawaal) la filayo gabbal dhaca khamiista 20 Abriil, ciidduna ay noqoto maalinta Jimcaha. Laakiin dhibaatadu waxay tahay, qorrax madoobaad la filayo khamiistu, inuu caqabad ku noqon karo aragtida bisha, sidaas awgeed laga yaabo in lagu qasbanaado dhammaysashada 30 maalmood, ciidduna ay noqoto maalinta sabtida.

Qorrax madoobaadkan oo bilaambi doonaa gelinka dambe ayaa la filayaa in qorraxdu la hoyan doonto. Waxaana laga arki doonaa jeexa koonfureed iyo bari ee dunida, sida dalalka Indooniisiya, guud ahaan Koonfur-bari Aasiya,  iyo qaybo badan oo ka mid ah goballada badweynta Baasifigga iyo Badweynta Hindiya, laakiin lama filayo in laga arko Bariga dhexe iyo Bariga Afrika.

Si kastaba ha ahaato ee maalinta uu qorrax madoobaadkan oo kale dhaco, habeennimadeeda waxaa soo muuqda inta badan ee Walxo cireedyada (Celestial Objects) ilayskoodu daciifka yahay, sida Galagsiyada (Galaxies), urur xidigeedyada (Star clusters), iyo xiddigaha aadka u fog, waana sababta keenaysa in aragtida bishu adkaato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dugsiga Amiin Quran Online oo ah dugsi qurbajoogtu aad uga faa’idaysteen oo qaadanaya arday cusub bishan!

Cabdi Cade

Weerar dhimasho & dhaawac sababay oo ka dhacay degaan hoostaga Galgaduud

Caydiid Ali

Agaasimihii hore ee Villa Somalia oo u loolamaya kursigii Hop86 ee laga xanibay Fahad Yaasiin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---