Allbanaadir.com
NEWS

Gabar Kalkaaliso aheyd oo saakay lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo burcad hubeesan ayaa saakay xaafada Juungal ee degmada Yaqshiid ku dilay gabar dhallinyaro ah oo ka shaqeeneysay mid kamid ah isbitaalada Muqdisho, xilli ay ka dhacayeen telfoon ay wadatay.

Burcada dilka geesatay oo wadatay mooto bajaaj ayaa jidka u galay gabadhan oo magaciisa lagu sheegay Naciima Cabdiraxmaan, waxaana la sheegay in burcada toogteen gabadha markii ay isku dhejisay telfoonkii ay wadatay.

Dilka kaddib ayaa goobta waxaa isaga baxsaday kooxdii burcada aheyd ee toogatay gabadha yar, waxaana goobta daqiiqado badan kaddib soo gaaray ciidamada ammaanka oon ku guuleesan in ay soo qabtaan burcadii dilka geesatay.

Magaalada Muqdisho waxaa mararka qaar dadka loogu dilaa sababo micno darro ah sida telfoon laga dhacayo, maalmo kahor ayeyna aheyd markii sidaan oo kale macalin iskuul loogu dilay Muqdisho telfoon dartiis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo 28 sano ka dib ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee ITU (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo si adag uga hadlay Faragelinta Itoobiya Baaqna muhiim ahna diray

Cabdi Cade

Kontaynaro caawa si qarsoodi ah looga saarayey dekeda Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---