Allbanaadir.com
NEWS

Ninka Muslimka ah ee isaga oo sooman maalin walba ordaya 10 km !

Kuweenna sooman waxaa ku adag inay ordaan – iyaga oo si dhab ah u dareemaya oonka iyo gaajada – waase kaabad ay ka gudbeen dad badan Faizal Momoniat.

Kaashiga shucuur iyo hal-adeyg ayuu Faizal mar kale ku doonayaa inuu ku labanlaabo fogaantii shanta kilomitir ahayd oo uu ordayay maalin walba sannadkii hore intii lagu jiray bisha Soonqaad. Wuxuuna soo ururiyay adduun dhan £3,000, sida ay kusoo warrantay Lancashire Telegraph.

Sannadkan wuxuu doonayaa inuu ordo 10 kilomitir maalin walba isaga oo sooman. Wuxuuna taasi kasii kordhin doonaa dakhliga usoo xerooday sannadkii hore £3,000 oo dheeri ah oo ka dhigan £6,000.

“Ma sahlana waxayna iiga baahan tahay howl adag iyo halgan joogto ah,” ayuu yiri.

Deeqbixinta iyo sadaqada aad buu Islaamku meel sare u dhigay inta lagu jiro bisha Soonqaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Warqada lagu soo xiro Putin oo la tilmaamay in aysan waxba dhaamin tan musqulaha

Cabdi Cade

Dadka degan Dhismaha Matxafka Qaranka oo lagu amray in ay ka guuraan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Baarlamaanka oo maanta la filayo in ay aqbalaan Codsi uu Ra’isul Wasaaraha u gudbinayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---