Allbanaadir.com
NEWS

Khubaro u dhashay Saudia Arabia oo saadaal ka bixiyey Maalinta ay noqoneyso Ciidul fitriga

Khabiir ku xeel dheer cilmul falaga oo u dhashay dalka Sacuudiga ayaa sheegay in in Ciidul fitriga ay ku beegan tahay maalinta Jimcaha ah ee soo socota, isagoo xusay in bisha Ramadaan ay ku dhamaan doonto 29-ka Ramadaan.

Madaxa ururka khubarada cilmul falaga ee xaruntiisu tahay magaalada Jeddah Injineer Majid Abuu Sahra ayaa sheegay in qiyaastii ay bisha Shawaal curan dooonto galabnimada Khamiista, 20-ka April.

“Ilayska qoraxda ayaa Khamiista qarin doona dayaxa, waana ay adag tahay in dadku ay si caadi ah u arkaan dayaxa, maadaama uu ka soo bixi doono meel aad ugu dhaw gabbal dhaca,” ayuu yiri khabiir Abuu Sahra.

Waxa uu intaa raaciyay in si loo xaqiijiyo curashada bisha Shawaal loo baahan yahay kaamerada awoodda badan ee loo yaqaano CCD.

Sidoo kale dayaxa ayaa 24 daqiiqo ka dib gabbal dhaca isna dhici doona, sida uu sheegay khabiirka, taas oo yareyn doonto waqtiga lagu arki karo dayaxa.

“Sidaa awgeed, galabnimada Jimcaha ayuu dayaxu si wanaagsan u soo bixi doonaa, waxaana arki kara dadka caadiga ah,” ayuu Injineer Maajid u sheegay warbaahinta SPA.

Golaha saree e Sacuudi Carabiya ayaa ugu baaqay Muslimiinta ku nool Boqortooyada in dayaxa ay baadi goobaan galabnimada Khamiista.

Xarunta caalamiga ah ee cilmul falaga ee Dubai ayaa barteeda Twitter ku sheegtay in dayaxa aan Khamiista laga arki doonin inta badan dunida Islaamka, marka laga reebo Galbeedka Afrika oo ay suuragal tahay in la arko haddii la adeegsado qalab casri ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo Taliye oo katirsan ciidamada RSF oo cunaqabateyn la saaray iyo waxa lagu heesto

Cabdi Cade

Ciidamo Kumandos lagu soo tababaray Turkiga oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Desalegn oo ka mid noqday rakaabkii u horeeyey ee u kala gooshay Addis ababa & Asmara (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---