Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Madaale kala hadlay Makiko Watanabe iyo wafdiga ay horkaceysay? (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay wafdi ka socday bankiga adduunka.

Waxaa wafdigan hogaamineysay u-qeybsanaha Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka ee Bangiga Aduunka Mrs Makiko Watanabe.

Kulankaan ayaa loogu hadlay Qorshaha horumarinta Caasimada, dhismooyinka Wadooyinka, Biyo qabadyada iyo Bulaacadaha.

Sidoo kale, waxaa looga hadlay kulankan sidii loogu wada shaqeyn lahaa horumarinta deegaanada aan rasmiga aheyn, si xal waara loogu helo Barakacayaasha.

Duqa Muqdisho Madaale ayaa sheegay in dowlada hoose ee Muqdisho ay ku dadaaleyso sidii ay u fulin laheyd qorshaha horumarinta caasimada balse ay jiraan caqabado badan.

U qeybsanaha Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka Bangiga Aduunka Mrs. Makiko Watanabe ayaa iyana balan-qaaaday iney ka qeyb qaadan doonaan maalgelinta qorshaha caasimada lagu horumarinaayo, ayna xoojin doonaan wada shaqeynta maamulka gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo mar kale duqeysay dhismayaal ku dhegan Isbitaal & Iskuul ku yaalla Gazza

Caydiid Ali

Shil argagax leh oo ka dhacay magaalada Muradnaga & dad ku dhamaaday (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Somalia oo laga hor joogsaday inuu u duulo Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---