Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Britain oo danjire cusub u soo Magacowday Soomaaliya (Taariikh nololeedkiisa)

Wasaarada Arrimaha Dibedda UK ayaa war-saxaafadeed ay soo saaray ku sheegay in Michael Nithavrianakis loo magacaabay safiirka cusub ee dalkaas u qaabilsan Soomaaliya.

Mr Nithavrianakis ayaa xilka la wareegaya bisha May ee 2023, sida lagu sheegay qoraalka xafiiska arrimaha dibedda.

Michael Nithavrianakis waa diblomaasi rug caddaa ah oo xilal dhowr ah kasoo qabtay xafiiska arrimaha dibedda, oo ay ugu dambeysay inuu ahaa qunsulka guud iyo agaasimaha ganacsiga iyo maal-gashiga ee qunsuliyadda UK ee Milan, Italy, 2022 illaa 2023.

Waxa uu sidoo kale kasoo shaqeeyey safaaradaha iyo qunusliyadah UK ee dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Afghanistan, Greece, Sacuudi Carabiya iyo Ghana.

Michael Nithavrianakis ayaa beddelaya Ms Kate Foster oo xilkan haysay tan iyo bishii Febraayo ee 2021.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo arrin xasaasi ah ka dalbaday Ergayga Maraykanka u fadhiya UN-ka (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaali dil iyo dhaawac loogu geestay magaalada London

Cabdi Cade

Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay degaanka Yasooman

Caydiid Ali
Taboola Ads ---