Allbanaadir.com
NEWS

Kulan Xasaasi ah oo looga hadlay Amniga iyo Xakameynta Hubka oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Wasiiru dowlaha Amniga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa guddoomiyay Kulan looga hadlayay Amniga Muqdisho oo ay ka qeyb galeen Hay’adaha Amaanka dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta amniga magaalada Muqdisho iyo hirgelinta xeerka xakameynta hubka caasimada ee dhawaan ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa warbixino looga dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada isku dhafka ah ee Howlgalka Ciiltire sida, Boliiska, Nabadsugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare oo si xoojin ah ula shaqeynaysa Ciidanka Amaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan soo saaray ammar magaalada Muqdisho looga mamnuucayo in lagu dhax qaato hubka waa weyn ,sidoo kale amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo cusub.

Related posts

Dahab Qaali ah iyo macdan kale oo kusoo daatay garoon Diyaaradeed iyo baaritaano socda

Cabdi Cade

Markab lagu raray qalabkii Imaaraadka oo ka shiraacday dekeda Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xog ku aadan tirada Xubnaha Ahlu Sunna looga ogolaaday Baarlamaanka Galmudug

Cabdi Cade