Madaxweynaha dalka Ruushka ayaa booqasho qarsoodi ah ku tagay furumaha hore ee dagaalka gobolo kuyaalla dalka Ukraine, halkaas oo ay ka dagaalamayaa ciidamada milatariga Ruushka.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Ruushka ayaa lagu shaaciyay in madaxweyne Putin tagay goobo kuyaalla dalka Ukraine gaar ahaan jiidaha hore ee dagaalka, waxa uuna halkaasi kula kulmay taliyaasha ciidamada hoggaaminaya.
Madaxtooyada Ruushka oo baahisay sawirro laga soo qaaday madaxweyne Putin intii uu joogay Ukraine, madaxtooyada ma shaacin xilliga rasmiga ah uu booqashada ku tagay Putin farumaha hore ee dagaalka Ukraine.
Vladamir Putin ayaa la sheegay in goobaha uu tagay ay kamid tahay gobolka dagaalka xooggan uu ka socdo Kherson , waxa uu sidoo kale tagay xarunta ciidamada qaranka ee bariga Luhansk.
Madaxweynaha Ruushka ayaa horey sidaan oo kale u tagay furumaha dagaalka ay joogaan ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka Ukraine, waxa uuna madaxweynaha ciidamada ku dhiiirogelinayaa in dagaalka khasaaraha badan kasoo gaaray sii wadaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com