Dagaal xooggan oo la isku adeegsanyo hubka culus iyo midka fudud ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah ka socda magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan, waxaana sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaalka wali socda.
Ciidamada milatariga Sudan iyo ciidamada gaarka ah ee RSF ayaa ku dagaalamaya qeybo kamid ah magaalada Khartuum, waxaana dagaalka lasoo sheegayaa in uu yahay mid culus oo dhinacyada is haya aysan waxba isku reebaneyn.
Dadka ku sugan magaalada ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan hugunka hubka culus iyo qaraxyo waa weyn, waxa ayna tilmaameen in xaalada magaalada Khartuum tahay mid kasii dareysa .
Dad ka badan 100-qof ayaa ku dhintay dagaalka maalintii afaraad ka socda magaalada Khartuum, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan kun qof oo lagu daweenayo isbitaalada magaalada iyo meelo ka baxsan.
Shacabka ku dhaqan magaalada Khartuum qaarkood ayaa guryaha ku go’doonsan, waxa ayna dadka qaar awood u la’yihiin in ay guryaha ka baxaan iyaga oo ka cabsanaya in jidadka magaalada lagu weeraro.
Ciidamada milatariga iyo ciidamada RSF ayaa mid kasta guulo ka sheegayanayaa dagaalka socda, waxaana adag in la helo ilo madax bannaan oo xaqiijin kara heegashooyinka labada dhinac ee dagaalamaya.
Hoggaamiyaasha iska soo horjeeda ee dagaalka ku dhax marayo magaalada Khartuum ayaa dhagaha ka fureestay baaqa madaxda caalamka kasoo yeeraya ee ah in xabbada joojiyaan ayna yeeshaan wadahadal nabadeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com