Xildhibaanada Baarlamanka Hirshabelle ayaa goor dhow soo gebagebeeyey cod ay qaadeen kalsooni siinta golaha wasiirada ee uu dhowaan ku dhawaaqay Madaxweyne Waare.
Kulanka Baarlamanka Hirshabelle oo ka dhacay Xaruntooda magaalada Jowhar ayaa waxaa shir gudoominayey guddoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas Shiikh Cismaan Barre Maxamed.
Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa golihiisa wasiirada hor geeyey Xildhibaanada isagoo ka codsaday iney ansixiyaan si ay waajibaadkooda shaqo u guda galaan.
Kulankan oo ay soo xaadireen 79 xildhibaan ayaa waxaa ogolaatay in golaha wasiirada la ansixiyo 77 Xildhibaan, waxaana diiday 2 soo hartay sida uu sheegay guddoonka Baarlamanka Hirshabelle oo codeynta ka dib ku dhawaaqayey natiijada, waxaana sidoo kale gudoonku dalbaday in la dhaariyo wasiirada la ansixiyey.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa uga mahad celiyey xildhibaanada Maamulkiisa sida aqlabiyada leh ee ay codka kalsoonida u siiyeen wasiirada uu oo dhowaan soo magacaabay, wuxuuna balan-qaaday iney la iman doonaan waxqabad muuqda iyo isbedel dhinacyo badan leh.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com