Allbanaadir.com
NEWS

Madaale iyo Taliyaha Booliiska oo kormeeray labo Degmo oo amnigooda xun yahay (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaasha qeybta Guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugida ayaa xalay  kormeeray degmooyinka xiga qeybta Bari gaar ahaan saldhigyada Yaaqshiid iyo Kaaraan.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgalida fulinta amarkii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud kaas oo la xariiray inaan hubka culus lagu wadan karin gudaha caasimadda, islamarkaana ciidii fulin weyso sharciga la horgeyn doono

Duqa Muqdisho iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Janaraal Sulub Ahmed Firin ayaa faray saraakiisha amniga iyo maamulada Degmooyinka in si wadajir ah u wada shaqeeyan islamarkaana la xoojiyo howlagalada sida joogtada ah uga socda xaafadaha iyo wadooyinka Caasimadda.

Degmooyinkan ay kormeerka ku mareen duqa Muqdisho iyo taliyaha ciidanka booliiska ayaa kamid ah degmooyinka ugu amniga xun caasimadda, waxaana degmooyinkan ku xooggan ciidamo hubeesan iyo kooxaha ciyaal weerada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh oo Shaaciyay in uusan ka tanaasuleyn arrin khilaaf ka jiro

Cabdi Cade

Mahad Salaad oo si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Laftagareen

Caydiid Ali

Iran oo fashilisay Weerar Diyaarado kusoo qaadeen Warshad Hubka lagu farsameeyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---