Wasiirka Wasaaradda Caafimaadkaiyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta heshiis is-afgarad ah oo wax ka tari doona baahiyaha Caafimaad ee Dalkeena la saxiixday Xafiiska Dawladda Ingiriiska u qaabilsan arimaha horumarinta (FCDO).
Heshiiska hordhaca ah waxaa Wasaaradda Caafimaadka iyo dareelka Bulshada u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Ali Haji Aden, halka dhanka Dowladda Ingiriiskana ay u saxiixday sii hayaha Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya Marwo Littie Burrows.
Mashruucan oo laga hirgalin doono qaybo ka mid ah dalka ayaa waxaa la rajaynayaa inuu wax weyn ka tari doono hoos u dhiggidda dhimashada dhallaanka iyo Hooyada ee dalkeena Soomaaliya,
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaana sheegey in Dowlada Ingiriiska ay uga mahadcelinayaan taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Dawladda Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale Wasiirku ku nuux-nuuxsaday muhiimadda Mashruucani u leeyahay shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, siihayaha Safiirka Safaaradda Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Marwo Lottie Burrows ayaa dhankeeda sheegtay sida ay ugu faraxsantahay in ay saxiixdo heshiiska lagu bilaabayo Mashruuc Caafimaad, Waxayna sidoo kale sheegtay sida ay Dowladda Ingiriiska uga go’antahay sii wadidda taageerada nidaamka Caafimaadka Soomaaliya.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xumkuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an baahinta iyo tayaynya Barnaamijyada Caafimaad ee dalkeena si loo helo Bulsho bedqabto, iyadoo la raacayo yoolka Caafimaadka ee Dowladda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com