Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay degaano cusub (Sawirro)

Howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ay maanta ka fuliyeen degaano dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee gobolka Hiiraan ayaa al-shabaab looga saaray degaano badan

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay ineysan jirin iska horimaadyo dhexmaray labada dhinac, ayna Al-shabaab isaga tageen goobaha ay qabsadeen markii ay ka war heleen duulaanka ku soo wajahan.

Degaanada ciidamadu sheegeen iney la wareegeen waxaa ka mid ah Xarar-tiir, Garasyaani, Baarey, Baladul-Amiin iyo kuwo kale oo dhaca koonfurta gobolkaas.

Saraakiisha ciidanka ayaa sidoo kale sheegay iney burburiyeeb godadkii iyo difaacyadii ay al-shabaab ka qoteen degaanadaas, iyagoo xusay iney ku daba jiraan firxadkooda.

Ciidamada DF oo kaashanaya dadka degaanka ayaa dhowaan ka bilaabay gobolada dhexe ee dalka wejiga labaad ee howlgal ay sheegeen in dalka looga xoreynayo kooxda Al-shabaab, waxayna mudada uu socday la wareegeen degaano iyo degmooyin ku jiray gacanta kooxda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Talyaaniga iyo Masar oo kawada hadlay Dilkii loo geestay Giulio Regeni

Cabdi Cade

Nin Telefishin ka sheegay sida uu Dumarka u kafsado iyo Caro xoogan oo ka dhalatay !!

Cabdi Cade

(Akhriso) Muxuu sharciga cusub ee doorashooyinka ka qabaa xili kordhinta Madaxweynaha?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---