Allbanaadir.com
NEWSXULKA

Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed oo la kulmaya Kun qof oo Soomaali ah

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa beri oo Jimco ah in magaalada Adis Ababa kulan gaar ah kula yeesho  kun qof oo kamid ah Soomaalida dalka Itoobiya .

Dadka Soomaaliyeed uu la kulmayo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa inta badan laga kala keenay gobolada maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana la sheegay in dadkan aysan xubin ka aheyn Xisbiga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wali lama oga waxa uu Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed kala hadli doono Soomaalida uu la kulmayo, waxa ayna arintan kusoo aadeysa xili shalay Madaxweyne cusub loo doortay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Isbadalo waa weyn oo deg deg ah ayaa ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaa hada meesha ka baxay inta badan maamulkii xooga badnaa uu hogaamin jiray Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamed Cumar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoyska hoggaamiyihii Muslimka ahaa ee Malcolm X oo dacwad kusoo oogay FBI iyo CIA

Cabdi Cade

Guddiga diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka oo waqti kooban loo qabtay

Caydiid Ali

Duqa Garoowe & wefdi uu horkacayo oo la kulmay jaaliyada Soomaalida Nederlands (Sawirro)

admin
Taboola Ads ---