Qaar kamid ah Xujey wadamo kala duwan ka tagtay ayaa shalay ku geeriyooday isbuurasho ka dhacday Mina, xujeyda geeriyootay waxaa ku jira kuwa Soomaaliyeed.
Labo Xaaji oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay kamid yihiin Xujeyda geeriyootay kuwaa oo kala ah Xaaji Axmed Maxamed Saalax iyo Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale, waxaa sidoo kale jira Xujey kale oo Soomaali ah oo dhaawacyo kasoo gaareen isbuurashada.
Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in Falanjeero qaboojiyaal ah lagu sii heyn doono meydadka Xujeyda ku geeriyootay isbuurashada inta ay kasoo dhamaaneyso acmaasha xajka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com