Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Labo Wiil oo Walaalo ah oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeesan ayaa caawa magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgooska Ex-control Afgooye iyo xaafada Xoosh waxa ay ku dileen labo wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in ay wada dhasheen.

Goobjooge ayaa Warbaahinta u sheegay in kooxo biskoolado ku hubeesan ay dileen labo nin oo walaalo ah xili ay wada socdeen, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday ragii hubeesnaa ee dilkaasi fuliyay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in labada wiil ee la dilay mid kamid ah uu ahaa askari katirsanaa ciidanka dowlada halka kan kalana uu ahaa shacab, waxaana xiliga dilku dhacayay u socday guri uu degan yahay mid kamid ah walaalaha la dilay.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray halka uu dilku caawa  ka dhacay, waxa ayna ciidamada goobtaasi ka qaadeen meydadka wiilasha la dilay si loogu sameeyo baaritaano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Federaalka oo si KMG ah u xirtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif

Cabdi Cade

Fadeexad soo wajahday Raisul Wasaare ka been sheegay taariikhdiisa Waxbarasho

Caydiid Ali

Rooble oo markiisa awoodda ka qaaday Farmaajo amar cusubna siiyay Taliyaasha Ciidamada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---