Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Waare & Xildhibaanada baarlamanka Hirshabelle oo heshiis cusub gaaray

Magaalada Jowhar waxaa lagu wadaa inuu ka dhaco saacadaha soo socda kulan muddo laga shaqeynayay oo iskugu iman doonaan xildhibanada Baarlamaanka Hirshabeelle, kulankaas oo lagu wado in lagu horgeeyo wasiirada magacaaban ee Maamulkaasi si loo ansixiyo.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Maxamed cabdi waare ayaa xalay illaa shalay waxaa uu si isdaba joog ah u waday kulamo gaar gaar ah oo uu la leeyahay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle si uu ugu ancinayo iney aqbalaan wasiirada uu soo dhisay.

Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim oo kamid ah Xildhibanada baarlamaanka Hirshabeelle ee kulanka la qaatay Madaxweyna Waare ayaa sheegay inay madaxweynaha kala hadleen dhibaatooyin heystay xildhibaanada oo ay ka mid tahay mushaharkoda, ugu dambeyn la isla gartay in maanta ama beri Golaha wasiirada Hirshabeelle la horgeeyo baarlamaanka Maamulka si ay u ansixiyaan.

29-kii bishii Novembar ayaa Madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi waare waxaa uu soo magacaabay Golahiisa wasiirada oo ka kooban 57 xubnood kuwaasoo qaarkood iscasileen sababo kala duwan awgood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiikh Shariif: “Dalku wuxuu ku jiraa xaalad halis badan oo aan la dhayalsan karin”

Caydiid Ali

Ciidanka Booliiska oo Muqdisho ku qabtay koox burcad ah oo dhac geesatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiye Mursal oo shaaciyay in Baarlamaanka Soomaaliya sii shaqeyn doonaan ilaa …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---