Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Howlgal ay ka qeyb qaadanayaan Diyaarado Dagaal oo ka socda gobolka Hiiraan (Sawirro)

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa howlgalo balaaran ka wada deegaanno katirsan gobolka Hiiraan, halkaas oo ciidamada doonayaan in ay ka sifeeyaan kooxda Al Shabaab.

Howlgalka ay hoggaaminayaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo taliyaasha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD kor. Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay Taliyaha qeybta 27-aad ee CXD Generaal Tawane Axmed Maxamed ayaa ka socda Hiiraan.

Ciidamada huwanta ah oo garab ka helaya diyaarado dagaal ayaa kusii siqaya deegaanka Booco oo gacanta ugu jira Al Shabaab, waxa ayna ciidamada doonayaan in deegaankaasi iyo deegaanno kale ay joogaan Al Shabaab dagaal uga saaraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa sheegay in uu socdo howlgal cusub oo Al Shabaab gobolka looga sifeenayo, waxa uuna ku hanjabay in Al Shabaab ka saarayaan deegaannada wali ka joogaan gobolka Hiiraan.

Ciidamada huwanta ah ayaa howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan Al Shabaab uga saaray deegaanno dhowr ah ay kamid yihiin Beerxaanno, Tarashante, Nuur-fanax, Ceela-hele iyo Burdaar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cumar Filish oo bilaabay arrin halis Ah & Qoor-qoor oo ka dalbaday Mucaaradka..

Caydiid Ali

DF oo ka hadashay halka uu marayo qorshaha wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay in Saraakiil iyo xubno katirsan Al Shabaab lagu dilay Deegaanka Dhabaq-libeey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---