Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Shub oo Ammar kusoo rogay ciidamo ilaalo u ah Wasiirro iyo Xildhibaanno

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Jeneraal Shub) oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ammar siiyay ciidamo katirsan asluubta oo ereg ahaan uga maqan shaqadii loo igmaday.

Jeneraal Mahad ayaa sheegay in ay jiraan askar badan oo katirsan ciidanka booliiska oo shaqada ka maqan, waxa uuna tilmaamay ciidankaasi in ilaalo u yihiin masuuliyiin katirsan dowladda oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno.

Taliyaha ciidanka asluubta ayaa u qabtay askarta joogta dalka ee ka maqan shaqadooda in muddo labo maalin gudahooda shaqadooda kusoo laabtaan, halka askarta kale ee dibadda ku maqan iyana u qabtay in shaqada kusoo laabtaan muddo toban cisho gudahood.

“Anagu xaq uma lihin in masuul aan ilaalo siino, markii aan xafiiska ka tegayna hal askari banaanka kuma maqneyn oo ereg kama tegin, hadda waxaa ereg ku maqan 25 askari, oo la kala socota xildhibaano iyo wasiirro,” ayuu yiri Jeneraal Mahad.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa cadeeyay in ciidankii aan kusoo laaban shaqada muddada uu u qabtay in laga jari doono mushaarkii uu xaqa u lahaa, maadaama uu sheegay in waajibkooda ay gabeen .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Eedo argagixiso oo loo haysto Shirkadaha iska leh Google, Twitter iyo Facebook

Cabdi Cade

Siyaasiyiin caan ah oo baaq furan ka soo saaray xaalada Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Faahfaahin: Ku dhowaad 10 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Bacaadweyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---