Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Al Shabaab oo heshay Dareeskii ugu Dambeeyay ee Ciidanka Milatariga (Daawo Sawiro)

Saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa la arkay shalay iyaga oo xiran dareeska ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan dareeskii ugu dambeeyay ee loo qeybiyay ciidanka Guutada 14-ka October.

Fagaare kuyaala degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe ayaa lagu arkayay shalay iyaga oo dareeska Guutada 14-ka ay xiran yihiin Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka iyo dagaalyahno kooxdaasi katirsan.

Wali lama oga sida uu Al Shabaab ku gaaray dareeskan cusub ee ugaarka ah ciidankan cusub ee dhawaan la aas aasay, waxaana dad badan aaminsan yihiin in si fudud Al Shabaab lagu gaarsiiyay dareeskan cusub.

Al Shabaab ayaa sidoo kale shalay fagaare kusoo bandhigtay gaadiid dagaal oo la sheegay in ay lahaayeen ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo hub kala duwan, waxaana loo maleenayaa in ay dagaal kusoo furteen.

Saraakiishii hore ee Milatariga Soomaaliya ayaa rumeysan in aysan jirin xakameyn lagu sameeyo dareeska ciidanka dowlada , waxa ay sidoo kale sabab uga dhigeen in dareeska helaan Al Shabaab daruufaha adag ee ciidanka dowlada heesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydadka dad ku dhaw 3,000 oo qof oo laga helay magaalada Goma

Cabdi Cade

Magaca & sawirka askarigii Maraykanka looga dilay Kenya oo la shaaciyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Magaalada Oslo kula kulmay Boqor Harald V (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---