Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne William Ruto oo xal u raadinaya colaada ka aloosan dalka Sudan

Dalka Sudan waxaa maalintii labaad ka socda dagaal xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, dagaalka ayaana u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo ciidamada gurmadka deg dega ee RSF.

Qaar kamid mid ah madaxda waddamada caalamka ayaa ku baaqay in dagaalka ka qarxay dalka Sugan gaar ahaan Khartuum si deg deg ah loo joojiyo, waxa ayna ku booriyeen dhinacyada is haya in ay wadahadal ku dhameeyaan dagaalka.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha ciidamada ee ku dagaalamaya Sudan in ay xabbada joojiyaan , waxa uuna labada dhinac ka codsaday in ay u turaan shacabka oo wadahadal ku dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya.

William Ruto ayaa sheegay in uu madaxda gobolka iyo kuwa Beesha Caalamkaba kala tashanayo in wadahadal iyo dhexdhexaadin la bilaabo hoggaamioyaasha dalka Sudan ee dagaalka u dhaxeeyo.

Dagaalka ka socda magaalada Khartuum ayaa sababay dhimashadad dad badan oo shacab ah iyo ciidamo, waxaana magaalada ka socda barakac aad u xooggan .iyadoona laga cabsi qabo in dagaalka uu kusii fido dhul hor leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo xigeenkiisa oo laga dalbaday in ay iscasilaan !!

admin

Madaxweyne Deni oo Boosaaso kula kulmay Taliyihii uu xilka ka qaaday ee ciidanka PSF

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo cadeeyay Sababta Janaraalo ugu soo daray Baarlamaanka cusub

Cabdi Cade
Taboola Ads ---