Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo fariin u dirtay Soomaalida ku go’doonsan dagaalka ka socda Sudan (Akhriso)

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DF ayaa fariin u dirtay Soomaalida ku nool dalka Sudan ee uu saameeyey dagaalka shalay ka qarxay dalkaasi welina socda.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu faray Soomaalida ku go’doonsan dala Sudan inay taxadar iyo feejignaan dheeraad ah muujiyaan, isla markaana ay raacaan dhammaan tilmaamaha ka soo baxa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Sudan.

Sidoo kale Wasaarada ayaa soo bandhigtay bar internet ay iska diiwaan gelin karaan Soomaalida ku nool dalka Sudan oo u badan arday wax ka baraneysay Jaamacadaha dalkaas.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA

|| Wargelin ||

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxa ay ka rajaynaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan in ay taxadar iyo feejignaan dheeraad ah muujiyaan, isla markaana ay raacaan dhammaan tilmaamaha ka soo baxa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan, iyadoo ay muhiim tahay in xiriir joogto lala sameeyo Wasaaradda iyo Safaaradda.

Haddaba, waxaa lagu boorinayaa muwaadiniinta in ay iska diiwaan-geliyaan linkiga hoose :

https://som.mfa.gov.so/

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fanaan & Muusikiiste caan ka ahaa gudaha Soomaaliya oo geeriyooday

Caydiid Ali

Kim Jong Un oo amray milatariga Dalkiisa in Diyaar u diyaar garoobaan Hanjabaadna diray

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Hotelka Decale ka furmay iyo Xasan Cali Kheyre oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---