Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Siyaasi hore & walaalkiis oo toos loo toogtay iyagoo shir jaraa’id ka hadlaya (Sawirro)

Siyaasi hore oo u dhashay dalka Hindiya oo lagu helay fal afduub ah ayaa si toos ah loo toogtay, isagoo TV-ga ka hadlayey.

Atiq Ahmed, oo ay booliisku galbinayeen, ayaa isagoo la hadlayay warfidiyeenada, waxaa bistoolad looga toogtay madaxa, xilli uu ku sugnaa Allahabad, waxaana sidoo kale toogashadaas ku dhintay walaalkiis Ashraf.

Dilka ka dib waxaa si deg deg ah iskugu soo dhiibay Booliska saddex nin oo wariyeyaal iska soo dhigay, kuwaasoo xabsiga loo taxaabay markiiba.

Ka dib dhacdadii habeenkii sabtida, wasiir Yogi Adityanath, ayaa wuxuu amray in maxkamad la soo taago xubnihii ku kacay dilka, iyadoo Khubarada su’aalo badan ka keenay sida dad loogu dili karo warbaahinta iyo booliiska oo arkaya.

Booliska ayaa maalmo ka hor sidoo kale toogtay Wiil dhalinyaro ah oo uu dhalay Axmed.

Daraasiin kiisas ah, oo ay ku jiraan afduub, dil iyo baad, ayaa la diiwaan geliyay inuu ku kacay Atiq Ahmed labaatankii sano ee la soo dhaafay sida ay boolisku sheegeen.

Maxkamad ayaa isaga iyo labo kale waxay ku xukuntay xabsi daa’in bishii Maarso ee sanadkan, kadib markii lagu helay kiis afduub.

Axmed ayaa horay u sheegtay inay jirto khatar naftiisa uga imanaysa booliiska.

Vide-oga shirka jaraaid ayaa muujinaya Axmed iyo walaalkii, Ashraf, oo labaduba katiinadaysan, iyagoo saxafiyiinta la hadlaya xilli ay u socdeen baaritaan caafimaad dhanka isbitaal, ilbiriqsiyo ka hor inta aan labadooda la toogan.

Muuqaalkan oo si weyn looggu faafiyay baraha bulshada iyo TV-yada, Axmed, ayaa la weydiiyay inuu ka qeyb galay aaska wiilkiisa iyo in kale. “Nama aysan qaadin ciidanka xabsiga, markaa ma aan tagin xabaasha wiilkeyga.” ayaa ahaa ereyadii ugu dambeeyey Axmed dilkiisa ka hor.

Ragga weerarka geysteen, ayaa goobta ku yimid mooto, sida ay booliisku sheegeen. Waxaa sidoo kale goobta ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada booliska, iyo wariye ka tirsan warbaahinta.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah Wasiiradii uu Magacaabay RW Khayre oo saaka Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Aqalka sare oo la horgeeyey xeer cusub oo bilow u ah qorshe muddo kororsi

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Nairobi kula kulmay Ted Lawrence iyo Waxyaabihii ay kawada hadleen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---