Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka hadlay dagaalka ka socda Sudan, kuna baaqay..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka lama filaanka ah ee ka qarxay dalka Sudan kaasoo u dhexeeya ciidamada milateriga dalkaas iyo ciidanka gurmadka deg deg ah loo yaqaano.

Xassan Shiikh ayaa ugu baaqay labada dhinac iney xabada joojiyaan wadahadalna lagu dhameeyo xiisadda.

Waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay iney kaalin weyn ka qaataan sidii loo qaboojin lahaa dagaalka oo laga cabsi qabo inuu magaalooyin hor leh ku sii fido

“Xal kuma imaanayo Xaalada oo lasii huriyo iyo rabshadaha oo la sii kordhiyo kumana dhamaanayaan caqabadaha ay wajahayso Jamhuuriyadda Sudan,” ayuu Xasan Sheekh oo soo saaray war-saxaafadeed ku qoran Luqada Englishka.

hadalka Madaxweynaha ayaa yimid xili caasimadda dalka Sudan uu ka socdo maalintii labaad dagaal xooggan oo u dhexeeya milateriga dalkaas iyo ciidamo gaar ah oo loo yaqaano gurmadka degdega ah.

Labada ciidan ayaa daacad u kala ah Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan iyo Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo oo ah labada nin ee ugu awoodda badan Sudan, khasaare fara badan ayaana jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Xildhibaan C/laahi Gaafow oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare lagu soo oogayo dilka Madaxweynihiisa iyo Xanibaad lagu soo rogay

Cabdi Cade

Danjiraha Mareykanka ee Somalia oo hal arrin ku amaanay Shiikh Aadan Madoobe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---