Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo ka jawaabtay hanjabaadii kaga timid kooxaha Xuuthiyiinta Yemen

Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay muuqaal dhowaan baraha bulshada ay soo dhigeen kooxda Xuuthiyiinta Yemen oo ku hanjabay iney duqyn doonaan magaalada Hargeysa haddii maamulka halkaas ka taliya uusan joojin saldhiga Imaaraatku ka dhisanayo Magaalada Berbera.

Sacad Cali Shire ayaa sheegay in muuqaalkaas ay soo duubeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Xuuthiyiinta, uusana aheyn war rasmi ah oo ka soo baxay kooxdaas sidaas awgeedna aysan ka jawaabeyn.

“Waan aragnay Muuqaal ay baraha bulshada soo geliyeen rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Xuuthiyiinta, balse illaa hadda ma jiro war ka soo baxay masuulliyiinta kooxdan oo arintan ku saabsan” ayuu yiri Sacad Cali Shire.

Wasiirka ayaa sheegay iney arintaas jawaab ka bixin doonaan marka kooxda Xuuthiyiinta ay si rasmi ah uga hadlaan, waxaana uu sheegay ineysan jirin wax khatar ah oo haatan laga walwalo.

“Heshiiska dowlada Imaaraatku saldhiga uga dhisaneyso Berbera waxaa ansixiyey golaha wasiirada iyo kan wakiilada Somaliland, mana jiro illaa hadda isbedel ku yimid sidiisa ayuuna u shaqeynayaa” ayuu yiri wasiirka.

Kooxaha Xuuthiyiinta Yemen ayaa gantaalo ku weerara wadanka Sacuudiga kuwaasoo masaafo dheer jari kara, waxaana hanjabaada kooxdan ay walaac ku abuurtay shacabka Somaliland, iyadoo ciidamada maamulkaasna aysan heysan gantaalaha ka hor taga gantaalada kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka dhalan kara xanibaada dhaqaale ee lagu soo rogay Farmaajo?

Caydiid Ali

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada DF oo ku biiray xisbiga Waddani

Cabdi Cade

Ilaalada Siciid Deni oo aad u hubeesan oo Muqdisho kasoo degay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---