Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray qeyba ka mid goobaha danta guud oo ay Dowladda Hoose Xamar u qorsheysay in si kumeel gaar ah loo dajiyo Ciidanka Police-military.
Waxaa Kormeerkan ku wehliyay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo masuuliyiin kale.
Ciidanka Police-military ee sida gaarka ah u taabaran ayaa ka howlgali doono Xasilinta Amniga caasimada.
Dhowaan ayey aheyd markii ay dalka ku soo laabteen ciidamadan oo madaxweynaha Somalia uu tababar ugu soo xiray dalka Ugandha, waxaana loogu talo galay iney sugaan amaanka magaalada Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com