Allbanaadir.com
NEWS

Diyaaradaha Dagaalka Sudan oo Duqeymo culus ku garaacaya saldhigyada RSF

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga dalka Sudan iyo ciidamada gurmadka deg dega ee RSF ayaa wali ka socda qeybo kamid ah magaalada Khartuum, dagaalka ayaana lasoo sheegayaa in uu kusii fidayo deegaanno hor leh.

Ciidamada milatariga ee maamula Sudan ayaa bilaabay in ay adeegsadaan diyaarado dagaal, waxa ayna ciidamada duqeymo culus ku garaacayaan saldhigyada waa weyn ee caasimadda ku leeyihiin ciidamada RSF.

Dhowr gantaal ay tuureen diyaaradaha dagaalka milatariga Sudan ayaa ku dhacay xeryaha Taiba iyo Sooba oo ay lahaayeem ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee lagu magacaabo SRF.

War kasoo baxay milatariga Sudan ayaa lagu sheegay in ay bur buriyeen saldhigyadii maleeshiyaadka gurmadka deg dega ee RSF, waxa ayna milatariga sheegeen in ay wali socdaan howlgalo kooxdaasi lagu soo afjarayo.

Dagaalka ka socda magaalada Khartuum ayaa lasoo warinayaa in uu kusii fidayo deegaanno hoe leh, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalka hadda gaaray halka uu kuyaallo telefishinka Qaranka Sudan.

Milatariga Sudan iyo ciidamada kasoo horjeeda ayaa dagaalka ka sheeganaya guulo kala duwan, waxaana adag in la helo warar madax bannaan oo ku aadan dagaalka socda iyo cidda ku gacan sareysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada :Wasiir Sabriye oo la kulmay Sheekh Shaakir iyo Kulamo Xasaasi ah oo…

Cabdi Cade

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo loo doortay Xildhibaan

Cabdi Cade

Maxey Yihiin Ciidanka Gadoodsan ee PSF, yey hoostagaan yaana siiya Mushaarka ?

Cabdi Cade