Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga dalka Sudan oo war kasoo saaray Dagaalka ka socda Khartuum iyo guulaha ay…

Milatariga dalka Sudan ayaa war ay goordhaw soo saareen ku shaaciyay in wali gacanta ku hayaan xarumaha muhiimka ah ee kuyaalla magaalada Khartuum ay ku jiraan garoomada diyaaradaha iyo goobo kale.

Warka kasoo baxay milatariga ayaa lagu sheegay in ay iska caabinayaan isku dayo ay sheegeen in kooxo cadaw ah ku doonayaan in ay kula wareegaan xarumo dowladeed iyo goobo istaraatiiji ah oo kuyaalla magaalada Khartuum.

Milatariga Sudan ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan howlgalo ay wadaan ciidamada cirka oo lagu beegsanayo ciidamada RSF-ta loo yaqaan ee dagaalka kula jira milatariga talada Sudan xoogga kula wareegay.

Warkan kasoo baxay milatariga Sudan ayaa imaanaya xilli magaalada Khartuum uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo ciidamada gurmadka deg dega ee RSF .

Ciidamada la dagaalamaya milatariga Sudan oo ah kuwa aad u tababaran ayaa sheegay in ay la wareegeen goor sii horeesay madaxtooyada Sudan, garoonka diyaaradhaa Khartuum, guriga taliyaha milatariga iyo goobo kale oo muhiim ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dr. Jalaaludiin: “Muqdisho waxey wajaheysaa todobaadyo xanuun badan”

Caydiid Ali

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Mid ka mid ah dadkii afduubka logu heystay Gaza oo ku dhintay duqeymaha Israel

Caydiid Ali