Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay Shir Saddex geesood ah oo ka dhacay Adis Ababa (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa uga qeybgalay shirka saddex-geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Shir Madaxeedka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya ayaa looga wadahadlay iskaashiga dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, sidoo kale kulanka ayaa lagu lafo-guray danaha wadajirka ee ka dhaxeeya saddexda dowladood si loo xaqiijiyo qorsheyaasha muhiimka u ah shucuubtooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxda Shirka guulaha miro-dhalka ah ay sida wadajirka ah u gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ka xoreynta dalkeenna argagixisada, isaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah khawaarijta Al Shabaab, hurmuudna u noqota horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Dhankooda, Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiye Axmed ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay in dalalka Gobolka iska kaashadaan ciribtirka argagixisada, gaar ahaan Waddamada safka hore ee dariska la ah Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo) Soomaalida Beljium oo aragtiyo iska horjeeda ka bixiyey waxqabadka safaarada

admin

Dowlada Somalia oo ku guuleysatay Wejigii Koowaad ee qorshaha looga cafinayo deymaha (Daawo Sawiro)

Caydiid Ali

Shirkadda AIRBUS oo sameysay nooc cusub oo dayuurad rakaab ah (Sawirro)

Caydiid Ali