Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Fumio Kishida ayaa si degdeg ah loola cararay , kaddib markii goob uu ku sugnaa kana jeedin rabay khudbad lagu weeraray wax loo maleenayo in ay ahaayeen bambaano nuuca gacanta laga tuuro.
Ciidamada ilaalada gaarka u ahaa ayaa lala cararay Ra’isul Wasaaraha Japan markii bambo qaaceysa lagu soo tuuray halkii uu joogay, sida ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta ugu afka dheer dalka Japan.
Booliiska ayaa xiray qof looga shakisan yahay in uu ka dambeeyay weerarka bambaano, waxaana socda baaritaano laamaha amniga ku wadaan ruuxa bambaanada tuuray ee gacantooda ku jira.
Qof goobjooge ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen qof wax tuuraya, kadibna uu qiiq ka baxay goobta , halka mid kalena uu sheegay in ay maqleen jug weyn oo ka dhashay bambaanada la tuuray.
Wali lama soo sheegin khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo ka dhashay bambada qaaceysa ee lagu tuuray goobta uu joogay Ra’isul Wasaarada dalka Japan, waxaana goobta mar qura ka dhacay kala carar.
Ra’isul Wasaaraha Japan ayaa warbaahinta NHK kasoo xigatay in uu qarax ka dhacay goobtii uu joogay, waxa uuna raali-gelin u diray dadkii goobta ku sugnaa ee halkaasi u yimid in ay isaga dhageestaan, balse dhacdada ay saameesay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com