Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin lasoo shaqeeyay xisbigii Naaziga oo laga tarxiilay Mareykanka (Daawo Sawirro)

Dowlada Mareykanka ayaa dalka Jarmalka u masaafurisay qofki ugu danbeeyay oo ka tirsanaa xisbigii Naziga Jarmalka, kaasoo sannado badan ku noolaa magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Kaddib dagaal dhinaca sharciga ah, caddaadis diblamaasiyadeed iyo mid siyaasadeed oo la saaray dowladda Mareykanka ayay Washington dhiibtay Jakiw Palij oo tan iyo 1949 ku noolaa degmada Queens ee magaalada New York.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu xaqiijiyay in saraakiisha socdaalka Mareykanka ay fuliyeen masaafuriska ninkani aroornimadi hore ee Talaadada maanta ah.

Palij ayaa noqday muwaadin Mareykan ah sannadki 1957, laakin sannadkii 2001 ayuu u qiray Waaxda Caddaalada Mareykanka inuu lasoo shaqeeyay xisbigii Naaziga ee uu madaxda u ahaa hogaamiyihii hore ee Jarmalka Adolf Hitler.

Wuxuu waardiye ka ahaa xarun dadka lagu ciqaabo uu Nazigu ku lahaa dalka Poland oo xilligaasi uu heystay Jarmalka. Sannadki 2004 ayay dowlada Mareykanka kala laabatay jinsiyadda Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaliimo Yarey oo gaartay magaalada Dhuusomareeb oo marti galineysa shir Xasaasi ah

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo kulan looga hadlay arrimo xasaasi ah la qaatay Wasiiradiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciwaanadii uu baraha Bulshada ku lahaa Madaxweyne Uhuru oo la xiray iyo sababta Keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---