Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dad sabab yaab leh darteed gaajo ugu geeriyooday dalka Kenya iyo Booliska oo..

Booliska waddanka Kenya ayaa baadi goobaya xubno ka tirsan koox diimeed muran dhaliyay oo noloshooduna ay khatar ku jirto.

Saraakiisha ayaa Khamiistii helay 15 qof oo aad u xanuunsanaya, kuwaasoo lala xiriirinayo kaniisadda Good News International oo ku taalla magaalo xeebeedka Kilifi ee dalka Kenya.

Xaaladda 15-kaas qof ayaa ahayd mid aad u liidata, 11 kamid ah oo keliya ayaa loola cararay isbitaalka iyagoo ay weli nafta ku jirto, iyadoo intii kale ay geeriyooday.

Baadariga kaniisaddaasi, Pastor Makenzie Nthenge, ayaa lagu soo warramayaa inuu dadkaasi faray inaysan waxba cunin si ay u dhintaan oo horena ay janada ugu galaan.

Baadarigan ayaa bishii la soo dhaafay lagu soo eedeeyay dilka laba carruur ah oo waalidintooda ay ka qeyb galeen kanisadaasi, waxaana lagu soo siidaayay damiin lacageed.

BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dacwada Badda: Lixdan Maalmood Ka Hor Garta Maxkamada caalamiga ee ICJ

Cabdi Cade

Somalia & Azerbaijan oo yeelanaya xiriir cusub oo iskaashi (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo iyo Shiikh Shariif oo booqasho xasaasi ah ku tagaya Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---