Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Huwanta oo Kaabiga ku haya Deegaan Dalxiiseed Al Shabaab joogeen (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ayaa kaabiga ku haya deegaan dalxiiseedka Budbud ee kuyaalla gobolka Galgaduud, halkaas oo sannadihii lasoo dhaafay Al Shabaab maamulayeen.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada huwanta ah ayaa dhowr jiho ka weeraray deegaanka Budbud, waxa ayna ciidamada caawa ku hoyanayaan duleedka deegaankaasi oo lasoo tabinayo in kooxda Al Shabaab isaga baxeen.

Saraakiisha ciidankan hoggaamineysa ayaa sheegay in Al Shabaab isaga carareen deegaanka , waxa ayna xuseen in saacadaha soo aadan si buuxda ula wareegi doonaan deegaankan dalxiiska ku wacan iyo deegaanno kale oo ku dhaw dhaw.

Ciidamada huwanta ah ayaana maanta la wareegay tuulooyin hoosataga deegaanka Budbud iyo kuwa kale oo hoostaga Galcad, waxa ayna ciidamada bur buriyeen fariisimo dhowr ah ay Al Shabaab lahayaeen.

Howlgalkan cusub ay bilaabeen ciidamada huwanta ah ayaa ujeedkiisu yahay in lagu xureeyo degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga oo gacanta ugu jira kooxda Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye sare oo katirsanaa Kacaanka Iran oo la dilay iyo cidda lagu tuhmayo dilkiisa

Cabdi Cade

Xildhibaan si adag uga hadlay Banaan baxii maanta dowlada xooga ku joojisay

Cabdi Cade

Wasiirka Amniga oo Yaasiin Farey ka dalbaday Warbixin la xiriirta Xariga Abuu Mansuur

Cabdi Cade
Taboola Ads ---