Shiinaha wuxuu mar kale isku dayayaa inuu caburin ku sameeyo tira-yarta Muslimiinta ah ee ku nool Shiinaha kuwaas oo – iyaga oo la adeegsanayo jawaasiis – laga horjoogsanayo inay soomaan bisha Ramadan.
Jawaasiiska oo loo bixiyay dhegoolayaal waxay isugu jiraa askar, dhar cad, dadka deegaanka iyo xubno kale oo si hoose ugu diiwaangashan dowladda.
“Waxaan leenahay sirdoonno badan oo gudaha ah kuwaas oo ka shaqeynaya dabagalka Muslimiinta si aysan u gudan acmaasha bisha Soonqaad oo soonku ugu horreeyo,” ayuu yiri mid kamid ah askarta oo la hadlay Radio Free Asia.
Mamnuucista uu Shiinuhu kusoo rogay Muslimiinta Wiigar waxay soo bilaabatay sannadkii 2017, waxaana xarig, dil iyo masaafurinba uu iskugu daray bulshada tira-yarta ah. Waqtigaas Shiinaha ayaa faray in dadka ka weyn 65 jirka ay kaliya soomi karaan.
“Sannadkan cidna looma oggolaan inuu soomo,” ayuu yiri isaga oo qarsanaya heybtiisa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com