Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney lagu soo dalacay biil koronto oo gaaraya 284 bilyan oo dollar?

Biil koronto oo kor u dhaafaya 284 bilyan oo doollar ayaa ka argagixiyay haweenay ku nool gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka … ka hor intii aysan ogaanin in biilkaasi uu khaldan yahay.

Mary Horomanski ayaa sheegtay in laga dalbaday in ay kharashka koronta ku bixiso ilaa bisha Nofembar ee 2018ka.

“Indhahaygu madaxa ayay ka soo boodi gaareen, Waxaan diyaarinaynay nalalkii ciidda Masiixiga, waxaan ka shakiyay in aan si sax ah u diyaarinay.” waxay sidaa u sheegtay wargeyska Erie Times-News. ”

Shirkadda korontada ayaa markii dambe sheegtay in lacagta rasmiga ah ee haweenayda lagu leeyahay ay tahay 284.46 oo doolar.

Afhayeenka shirkadda korontada ayaa sheegay in uusan ogayn sida ay ciladdaasi u dhacday ee Horomanski looga dalbaday in ay bixiso 284,460,000,000 oo doolar, halkii laga dalban lahaa in ay dhammaadka Diiseembar ka bixiso 28,176 oo doolar.

“Ma xasuusto waligay ruux laga dalbaday in uu bixiyo kharash koronto oo balaayiin doolar ah,” ayuu Mark Durbin ku yiri Erie Times-News.

“Wuxuu sheegay in uu macmiilka uga mahadcelinayo in ay la soo xiriirtay shirkadda korontada si ay ugu wargaliso khaladka dhacay.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh: “Way na dhibaysaa dilka & dhibaataynta shacab kor u qaadaya calanka Somalia”

Caydiid Ali

Cape Town: Dil iyo dhaawac loo geystay wiilal Soomaaliyeed oo walaalo ahaa

Caydiid Ali

Nin gacan yare u ahaa sargaal sare oo katirsan Al Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---