Allbanaadir.com
NEWS

Duullimaadka Dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee Kenya oo la joojiyay iyo Sababta keentay

Shirkadda SpaceX ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa joojisay duullimaadka dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee indha-indheynta dhulka ee Kenya, sababo la xiriira cimilada oo xumaatay.

Agaasimaha gantaalka ayaa joojiyay gantaalka Falcon 9 29 ilbiriqsi ka hor inta aan lagu tuurin saldhiga ciidamada Vandenberg ee California US, waxaana mar kale la isku dayi doonaa beri oo sabti ah, xilli daah-furka labo jeer hore cimilo xumo owgeed u baaqday.

Taifa-1 Satelite-ka Kenya ayaa ka mid ah 51 dayax-gacmeed oo kale iyo baabuurta wareegta ee la qorsheeyay in la geeyo howlgalka 7-aad ee gaadiidka.

Waxaa loo isticmaali doonaa in lagu ururiyo xogta beeraha, dhulka iyo deegaanka. Dayax gacmeedkan ayaa noqonaya kii 50-aad ee ay diraan wadamada Afrika.

Ilaa hadda 14 dal oo qaaradda ku yaalla ayaa hawada sare u diray dayax gacmeed, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay adeegsadeen shirkado ganacsi sida SpaceX.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaadiidi qaraxyo sida oo soo galay Muqdisho & cabsi amni oo Xamar ka taagan..

admin

Dowlada Somalia oo digniin ka soo saartay Musiibo ku soo wajahan qeybo ka mid ah dalka

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo maanta lagu fuliyay askari Shalay dil u geestay Wiil Bajaajle ahaa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---