Hey’adda Danbi-baarista Mareykanka ee loo soo gaabsho FBI ayaa xirtay, xubin ka tirsan ciidanka cirka Mareykanka, kaasoo looga shakisanyahay inuu bixiyay dukumintiyo sir ahaa oo fadeexo ku noqday Mareykanka.
Ninkan ayaa lagu magacaabaa Jack Teixeira. Saraakiil ka tirsan FBI ayaa kasoo xiray magaalada North Dighton ee gobolka Massachusetts.
Dukumintiyada loo dusiyay baraha bulshada kaddibna ay soo xigteen Warbaahinta caalamiga ah ayaa gaaray 50, halka wararka qaar ay sheegayaan in ay gaari karaan 100.
Qaar ka mid ah kuwa ugu xasaasisan ayaa si faah-faahsan xoogga u saaray awoodaha millatariga Ukraine, meelaha ay daciifka ka yihiin iyo xogo kale oo ku saabsan Mareykanka iyo xulufadiisa. Arrintan ayaa yaxyax ku noqotay Washington, oo wajiga siin weysay xulufadeeda daafaha caalamka.
Xoghayaha Waaxda Caddaaladda Mareykanka Merrick Garland ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqay xariga nin ka tirsan ciidanka cirka qeybtiisa ilaalada qaranka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com