Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano kormeer ku tagay deegaanno cusub oo laga saaray Al Shabaab (Sawirro)

Xildhibaanno katirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku tagay magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud iyo deegaanno kale oo hoostaga oo dhawwaan laga saaray kooxda Al Shabaab.

Xildhibaanadan oo kala ah Xildhibaan Yaasiin Farey iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul ayaa kormeer ku tagay magaalada Galcad, waxa ayna u kuur galayeen xaalada magaaladaasi iyo sidoo kale deegaannada ku xeeran ee laga saaray Al Shabaab.

Waxa ay xildhibaanadan warbixino ka dhageesteen saraakiisha ciidanka dowladda ee xureeyay deegaannadaasi hoggaamineysa, waxa ay sidoo kale la kulmeen oo xaal wareesteen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Xildhibaanadan katirsan golaha shacabka ayaa u tagay magaalada Galcad iyo deegaannada hoostaga sidii ay u dhiiro-gelin lahaayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee Al Shabaab dagaalka kula jira kana xoreeyaan deegaannadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maalinta 1-aad ee Ciidul adxaa oo si weyn looga dabaal degayo Muqdisho & gobolada dalka

Caydiid Ali

Daawo Axmed Madowe:-“ Dagaal dheer ayuu soo galay odayga ee War xildhibaanow aan is cafino!!

admin

(Sawirro) Hirshabelle & dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis xasaasi ah kala saxiixday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---